Aaladaha Baaritaanka Caafimaadka Dhimirka
Marida baaritaan caafimaadka dhimirka ayaa wuxuu yahay mid ka mid ah dariiqa ugu dhaqsaha badan oo uguna sahlan ee lagu go’aaminayo haddii aad la kulmayso ama aad qabto ifafaalooyinka xaalad caafimaad ee dhanka dhimirka ah.
Xaaladdaha caafimaadka dhimirka, sida diiqad/murago/niyad-jab ama walaac, waa wax dhab ah, caadi ah oo dawaysma. Oo waa macquul in laga bogsado.
Baaritaanka Diiqada waxaa loogu talagalay shakhsiyaadka dareema murugo tan badan.
Cunto qaadasho Xumada waxay kaa caawin kartaa sahaminta welwellada la xiriira oo saameyn ku yeelanaya caafimaadkaaga jirka iyo guud ahaan fayo-qabkaaga.
Baaritaanka Walaaca waxaa loogu talagalay dadka dareensan in welwelka iyo cabsidu ay saameynayaan awooddooda ay wax ku qabsanayaan hawl maalmeedkooda.
Baaritaanka Isticmaalka Khamriga ama Maandooriyaha waxay kaa caawin doontaa haddii isticmaalkaaga aalkolada ama daroogada ay tahay aag u baahan in wax looga qabto.
Baaritaanka Laba-cirifoodka waxaa loogu talagalay shakhsiyaadka leh niyad isbedbedasha – ama isbedel aan caadi ahayn ama isbeddel daran ee dhanka niyadda iyo tamarta.
Baaritaanka Dhalinyarada waa loogu talagalay dadka dhalinyarada ah oo ay (da’doodu tahay 11-17) kuwaas oo ka walaacsan in dareenkooda, feejignaantooda, ama dabeecadooda ay u muuqdaan inay calaamad u yihiin dhibaato.
Baaritaanka PTSD (Dhibaatada Isku-buuqa ee ka Dambeeya Dhaawac iyo Dil) waxaa loogu talagalay dadka ay dhibtay dhacdo argaggax ee ay noloshoodu soo martay.
Baaritaanka Waalidka waxaa loogu talagalay waalidiinta dhalay dhalinyarada si ay u go’aamiyaan haddii ilmahooda dareenkooda, feejignaantooda, ama dabeecadahooda laga yaabo inay calaamad u yihiin dhibaato.
Baaritaanka Maskax qaadka waxaa loogu talagalay dhalinyarada (da’doodu tahay 12-35) oo dareensan in maskaxdoodu ay ku ciyaarayso xirfado (iyaga oo arkaya, maqalaya ama aaminnaya waxyaabo aan u muuqan mid dhab ah ama mid saxan).
Baaritaanka ka dib, waxaa lagu siin doonaa macluumaad, ilo iyo qalab si natiijooyinka soo baxa aad ka la hadasho daryeel bixiye.