Daryeelka caafimaadku wuxuu noqon karaa mid kakan – sidaa darteed waxaanu k nasiib badannahay inaanu haysano dad cajiib ah iyo goobo na caawiya halkan Nashville/Middle Tennessee ah marka ammuuraha caafimaad kharribmaan. Marka laga tago rugahayaga My Healthcare Home, khayraadka hoose ayaa kaa caawin kara inaad maarayso ammuuraha iyo baahiyaha daryeelkaaga caafimaad.
Waaxda Caafimaadka Dadwaynaha Magaalada
Hiigsiga Metro Public Health Department (Waaxda Caafimaadka Dadwaynaha Magaalada) waa ilaalinta, hagaajinta, iyo joogtaynta caafimaadka iyo fayo-qabka dhammaan dadka Magaalada Nashville. Waaxda Caafimaadka Magaaladu waxay ku siisaa adeegyo caafimaad oo kala duwan dadka Magaalada Nashville goobo kala duwan.
Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan adeegyada rugaha caafimaadka Waaxda Caafimaadka, fadlan booqo:
Mashruuca Helitaanka Nashville
Project Access Nashville (Mashruuca Helitaanka Nashville) waa adeeg ay bixiso Waaxda Caafimaadka Magaaladu si ay ugu xidho dadka Magaalada Nashville ee bilaa caymiska ah adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin, oo ay kujiraan rugaha caafimaadka ee nidaamka My Healthcare Home.
Macluumaad dheeraad:
Project Access Nashville Specialty Care
Project Access Nashville Specialty Care waa barnaamij hoos yimaadda hoggaanka Nashville Academy of Medicine oo siiya nidaam diyaarsan oo daryeelka Takhasuska ah dadka saboolka ah, dadka deggan Degmada Davidson ee bilaa caymiska ah anagoo adeegsanayna iskaashiga aan la Metro Nashville Health Department, Safety Net Consortium of Middle Tennessee, iyo rugaha caafimaadka My Healthcare Home.
Macluumaad dheeraad ah:
Health Assist Tennessee
Health Assist Tennessee (adeeg ah Adeegga Family & Children’s Service (Qoyska & Carruurta), oo ah hay’ad khayri ah oo Nashville deggan) waxay siisaa dadka reer Tennessee ee caymiska ku yar yahay ama bilaa caymiska ah macluumaad iyo hagitaan kusaabsan khayraadka daryeelka caafimaadka bulshada ee raqiiska ah ama bilaa lacagta ah, oo ay kujiraan khayraadka caafimaad, ilkaha, aragga, daawada, caafimaadka maskaxda, iyo kuwa kale.
Macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan qaababka Health Assist (Kaalmada Caafimaadku) kuu caawin karto, fadlan booqo:
ama wac:
- Ingiriisi haddaad rabto wac 615-313-9972 ama wicitaanka bilaa lacagta ah 1-800-269-4038
- Isbaanish haddaad rabto wac 615-227-7568 ama wicitaanka bilaa lacagta ah 1-800-254-7568
- Kurdish/Carabi haddaad rabto wac 615-313-9840 ama wicitaanka bilaa lacagta ah 1-877-652-3046
Xarunta Caddaaladda Tennessee
Xarunta Caddaaladda Tennessee (Tennessee Justice Center, TJC) waa urur sharci oo khayri ah oo u adeega qoyska nugul. Ilaa 1995, TJC waxay u dooday dadka bilaa codka ah (aan la dhagaysan), dawladda xilkooda saartay oo hagaajisay caafimaadka iyo ammaanka dhaqaale ee boqollaal kun oo qoys oo jooga qayb kasta oo gobolkeena ka tirsan.
Macluumaad dheeraad ah:
2-1-1 Tennessee
Mid kamid ah qaababka ugu fudud ee caawimo loo helo waa wicitaanka 2-1-1, khadka caawimada adeegyada bulshada Tennessee. Marka aad wacdo, waxa kula hadli qof caadi ah, waa qof u tabobaran inuu ku caawiyo markaad baahidaada u sheegato, kadibna wuxuu ku siin lambarro taleefan iyo cinwaanada meelaha kuugu dhaw ee caawimo aad u doonan karto. Sidoo kale halkan ayaad dhag siin kartaa si aad u aragto diiwaanka xarumaha caawimada!
Wac 2-1-1 ama booqo:
Hagaha Naafada Tennessee
Tennessee Disability Pathfinder (“Pathfinder”) wuxuu siiyaa macluumaad, khayraad, taageero, iyo gudbinno bilaa lacag ah dadka reer Tennessee ee naafada ah iyo qoysaskooda.
Anagoo adeegsanayna saddex qaybood oo waawayn oo barnaamijka ah (Macluumaadka iyo Gudbinaha, Waxbarashada iyo Tabobarka, Barnaamijka Gaarinta Dhaqamada Kala Duwan), waxaanu siinaa macluumaad iyo khayraad dadka da’ kasta, nooc kasta oo naafo ah, iyo luuqad kasta oo ay ku hadlaan.
Macluumaad dheeraad ah:
- KHADKA CAAWIMADA Tennessee Disability Pathfinder: 1-800-640-4636
- http://vkc.mc.vanderbilt.edu/vkc/pathfinder/aboutus/
REDLINE (KHADKA CAS) ee Tennessee
REDLINE ee Tennessee (1-800-889-9789) waa khad bilaa lacag ah oo macluumaad iyo gudbin oo ay diyaarisay TAADAS oo ay maalgalisay Waaxda Tennessee ee Adeegyada Caafimaadka Maskaxda iyo Isticmaalka Daroogada. Ujeedada REDLINE waa in la siiyo macluumaad sax ah, cusub, daroogada, dhibaatada khamaarka, iyo balwadaha kale kusaabsan iyo gudbino dhammaan dadka reer Tennessee marka ay codsadaan. Redline wuxuu siiyaa gudbino xaaladaha Co-Occurring A&D (Khamrada iyo Daroogada Caafimaad Darro Maskaxeedna Weheliso) kuwaasi oo la socda xaaladaha Caafimaadka Maskaxda
REDLINE ee Tennessee waxa diyaarsa TAADAS, Ururka Tennessee ee Adeegyada Khamrada, Daroogada, iyo Balwadaha kale.
Macluumaad dheeraad ah:
Diiwaanka Adeegyada Dadka Waawayn©
Council on Aging (COA) (Adeeg Golaha Gabowga), Directory of Services for Seniors© waa khayraad goob kaliya laga bixiyo oo dhexdhexaad ah oo loogu talogalay dadka da’da ah ee Middle Tennessee. Maadaama ay tahay hay’ad khayri ah taasi oo aan ahayn adeeg-bixiye toos ah, COA waxay cajiib ku tahay halka ay kaga jirto inay siiso macluumaad dhammaystiran oo dhexdhexaad ah oo kusaabsan adeegyada dadka da’da ah iyo daryeelayaasha aagga Degmada 13. Macluumaadka waxa kujira laakiin aan ku ekayn hawlaha & waxbarashada, guryeynta, adeegyada caafimaadka, gaadiidka iyo caawimada guriga.
Degmooyinka ay ka shaqayso waa: Cheatham, Davidson, Dickson, Houston, Humphreys, Montgomery, Robertson, Rutherford, Stewart, Sumner, Trousdale, Williamson & Wilson.
Macluumaad dheeraad ah:
kidcentral tn
Goob adeegyo badan bixiso Tennessee oo loogu talogalay qoysaska si sare loogu qaado carruur caafimaad qaba oo faraxsan. Waaxaha dawladda gobolku waxay siiyaan macluumaad iyo khayraad faa’ido badan leh qoysaska Tennessee. kidcentraltn.com waxay kuu saamixi inaad uga hesho waxa aad u baahato si fudud oo dhakhso ah — dhammaan hal meel.
Macluumaad dheeraad ah:
Waaxda Caafimaadka Degmada Williamson
Hiigsiga Williamson County Health Department waa ilaalinta, sare u qaadista iyo hagaajinta caafimaadka iyo badhaadhaha dadka Degmada Williamson. Waaxda Caafimaadka Degmadu waxay bixisaa adeegyada caafimaadka aasaasiga ah oo kala duwan si ay caafimaad kuugu ilaaliso, haddii aad u bugtana, si aad u caafimaaddo. Hoos waxa ku taxan qaar kamid ah adeegyada aanu bixino.
Waaxda Caafimaadka Degmada Marshall
Hadafka Marshall County Health Department waa ilaalinta, sare u qaadista iyo hagaajinta caafimaadka iyo badhaadhaha dadka Degmada Marshall. Waaxda Caafimaadka Degmadu waxay bixisaa adeegyada caafimaadka aasaasiga ah oo kala duwan si ay caafimaad kuugu ilaaliso, haddii aad u bugtana, si aad u caafimaaddo.
Waaxda Caafimaadka Degmada Maury
Waaxda Caafimaadka Degmada Maury waxay qayb ka tahay Waaxda Caafimaadka Tennessee ee Gobolka Badhtamah iyo Koonfurta. Waaxaha caafimaadka deegaanku waxay diiradda saaraan baahiyaha daryeelka caafimaadka ee shakhsiga, qoyska iyo bulshada waxayna bixiyaan adeegyada caafimaadka kahortag oo fara badan. Waxaanu rajaynaynaa inaad ka faa’idaysan doonto adeegyadan!
Bayaanka Hiigsiga
“Ilaalinta, sare u qaadista, iyo hagaajinta caafimaadkaa iyo badhaadhaha dadka Tennessee!”
Qalabka Baadhista Caafimaadka Maskaxda
Qaadista baadhista caafimaadka maskaxdu waa mid kamid ah qaababka ugu fudud uguna dhakhsaha badan ee loo go’aamiyo haddii aad leedahay calaamadaha xanuunka caafimaadka maskaxda. Xanuunada Caafiamadka Maskaxdu, sida niyadjabka ama walaaca, waa wax jira, oo la wadaago lana daawayn karo. Waana laga bogsan karaa.
Qalabkan waxa loo bixiyaa ahaanta adeeg (Caafimaadka Maskaxda Ameerika) Mental Health America (MHA) – oo la sameeyey 1909 – urur khayri ah oo hormood ah oo bulshadu leedahay oo u go’ay maaraynta baahiyaha dadka la nool xanuunka maskaxda iyo sare u qaadista caafimaadka maskaxda ee Ameerikaanka oo dhan.
Waa bilaa lacag, qarsoodi, waana tijaabooyin dhammaantood caddayn kusalasyan.
Macluumaad dheeraad ah:
http://www.mentalhealthamerica.net/mental-health-screening-tools?ref=MHAMT