Haddii adiga ama qof adiga aad taqaanid u baahan yahay gaar dhanka helista daawo, ilooyinka hoos ku qoran ayaa kaa caawin kara. Liiska waxaa laga soo ururiyay mashruuc si loo qiimeeyo nidaamka farmashiyaha ee aagga Nashville.
Kaararka Qiimo Dhimista & Kuuboono
Coast2Coast waa kaar qiimo dhimis oo bilaash ah ee daawooyinka dhaqtarka qoro.
Cou-Co.com waa ilmo kuu fidinaya kuuboono iyo sidoo kale wada-qaybsi iyo ilo kale oo waxbarasho.
Familywize waa kaar qiimo dhimis ee daaqooyinka dhaqtarka qor lagu helo.
GoodRx waxay isbarbar dhigaan qiimaha daawada dhakhtar qoro oo waxay kuu helaan kuuboono laga isticmaali karo in ka badan 60,000 farmashiyaha Mareykanka ku yaala
One Rx waxay bukaansocodka u oggolaadaan inay helaan kuuboonada iyo qiimo dhimis, oo waxay kuu raadiyaan caymis si ay u arkaan xaddidaadda lacagta iyo caymiska kahor intaysan tagin farmashiyaha.
Dalabka Boostada ee Qiimo Dhiman
Rx Outreach waa farmashiyo saldhigeedu yahay magaalada St. Louis oo aan macaash doon ahayn oo bixiya daawooyin boostada lagu soo diro oo la qiimo dhimay.
Barnaamijyada Kaalmada Daawada Dhaqtarka Qoro
Meds Needy waxay bixiyaan macluumaad ku saabsan barnaamijyada gargaarka bukaanka.
CoverRx waxay caawiyaan kuwa aan haysan caymiska farmashiyaha, laakiin u baahan daawo. Cover Rx waxay bixiyaan helitaanka daawooyin jeneetik ah iyo qaar summad magac leh oo ka badan ilaa 200% ee insulin iyo daawooyinka caafimaadka dhimirka.
MedLink waxay xubnaha diiwaangashan ay ka caawinayaan barnaamijyada kaalmada ee daawooyinka dhaqtarka qoray si ay u helaan fursadaha qiimaha ugu fiican.
Rx Hope waa koox u doodayaal ah oo barnaamijka gargaarka bukaanka si sahlan oo dhakhso leh bukaansocodka uga dhigaya isticmaalkeeda.
Iskaashiga Kaalmada Daawada Dhaqtarka Qorey [Partnership for Prescription Assistance] waxay caawiyaan dadka bukaanka ah ee aan haysan caymiska farmashiyuhu ee ay u baahan yihiin daawooyinka ay u baahan yihiin ku helaan si bilaash ama bilaash ku dhow ku helaan.
Barnaamijka Gargaarka Bukaansocodka [Patient Assistance Program] kaydka macluumaadka wuxuu isticmaalayaasha u oggolaanayaa inay daawo ka dalbadaan warshad kasta ee saartay daawada oo hal meel ka codsadaan.
Ilooyin Dheeraad ah
Project Access Nashville waxay dadka aan caymiska haysan ku xiriirinayaan ruggo ccaafimaad oo ah meel laga bixiyo daryeel caafimaad oo aassaasiga ah oo bukaansocodka ku daaweeya ama ku saleeya kartidooda sida lacagta ay isaga bixin karaan. Kani waa shabakad daryeel bixiyeyaasha bixiya adeegyo daryeel caafimaad oo aasaasi ah, oo ay ku jiraan helitaanka adeegyada farmashiyaha.
Saint Thomas Health – Dispensary of Hope waxay bixisaa daawooyin qiimo hooseeya ama qiimo jaban si loo siiyo dadka u qalma ee aan haysan caymis iyo kuwa daqligoodu xaddidan yahay. In ka badan 300 daawo oo la heli karaa daawooyin loo isticmaalo xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin cadaadis dhiig oo sarreeya, kolestarool, iyo sonkorow.
Migrationsam waa barnaamij oo dhanka internetka ah kaas oo ka caawiya bukaansocodka iyo daryeelbixiyaha ka caawiya inay helaan daawooyinka qiimaha ugu hooseeya ee laga helo karo iyadoo la gelinayo qofka meesha uu degan yahay [zip code].
Direct Relief waxay xiriir iskaashi la leedahay warshado daawooyinka soo saara oo tiro badan kuwaas oo daawooyinka loo baahan yahay iyo sahayada ugu deeqa, oo dhaqaale xoog badan ugu deeqa si ay u bixiyaan daawooyin siiya shabakada ruggaha iyo xarumaha caafimaadka oo si bilaash ah hal meel uga keena.
Waxaa kaloo dheer ilahan, farmashiyeyaasha ganacsiga ayaa sidoo kale bixiyaan daawooyin sicir ahaan qiimahoodu la dhimay. Ka hubi farmashiyaha xaafaddaada ku yaala wixii war dheeraad ah.