Somali Site
Menu
  • Bogga
  • Ku saabsan
  • Caafimaadka
  • Khayraadka
    • Aaladaha Baaritaanka Caafimaadka Dhimirka
    • Gargaar Dhanka Helida Daawooyinka
    • Tennessee REDLINE
    • Gargaarka Cunnada
    • Daryeelka Sii Socda: Halkee Ayaan Tagaa?
    • Khayraadka Dheeraad ah
  • La xiriir
Preferred Language

Daryeelka Sii Socda

Waa maxay sababta aan u yeelanayo daryeel caafimaad ee guriga [healthcare home]?

La’haanshaha “daryeel caafimaad ee guriga” [“healthcare home”] waxay micnaheedu tahay xogtaada caafimaadka way habbaysan tahay oo waxaa maareeya isla takhtarkii iyo kooxdiisa ama kooxdeeda. Tani ayaa mararka qaar loo yaqaanaa “guriga caafimaadka” ama “takhtarka daryeelka aassaasiga”. Nidaamka daryeelka caafimaadku waa mid adag, oo mar walbana ma fududa inaad ogaatid meesha aad aadi kartid markaad u baahatid markaad u baahan tahay. La’haanshaha guri daryeel caafimaad ayaa waxay ka dhigeysaa mid fudud.

Ka waran haddii dhab ahaan aan u baahan nahay inaan tago Qolka Gurmadka [Emergency Room]?

Weli waxaa dhici kara xaalado gaar ah marka aad u baahan tahay inaad tagto Qolka Gurmadka. Talooyinka Maanka ku hay:

  • Wac dhakhtarkaaga xitaa haddii ay tahay saacadaha shaqada ka dib.Xitaa haddii rugtaada caafimaad ay xiran tahay, weli waa inaad marka koowaad aad wacdaa. Ruggaha caafimaad qaarkood waxay qabaan nidaam la waco saacadaha shaqada ka dib oo aad ula hadlayso qof dhab ah oo ku siin kara talo soo jeedin ah wixii aad samayn lahayd. Ama waxaa dhici karta in fariin la duubay hesho oo ku siinaysa talooyin ku saabsan rugta daryeelka degdegga ah ee dhakhtarkaagu ku taliyo.
  • Xaaladaha khatarta ah ee nolosha ama addimaha khatarta geliya (haddii aad dhiman karto ama aad luminayso gacan ama lug), tag Qolka Gurmadka. Haddii kale, raac talooyinka la soo jeediyo: Haddii aad tagto rugta daryeelka degdegga ah ama Qolka Gargaarka Degdegga ah, dhakhaatiirtu ma ogaan doonaan taariikhdaada caafimaadka (sheekadaada), waxaana laguu soo diri karaa biil qaali ah. Isticmaal sawiradaan si aad u go’aamiso inta u dhaxaysa tagida takhtarkaaga daryeelka caafimaadka aassaasiga, rugta daryeelka degdegga ama Qolka Gargaarka Degdegga ah.

Guriga Ku Salaysan

Takhtarkaaga had iyo goor ah bartaada bilawga ah ee baahida caafimaad, oo ay ku jiraan caafimaadka jirka, shucuureed iyo caafimaadka dhimirka.

Hel Daryeel Joogto Ah

Dhakhtarkaagu wuu ogyahay markaad u baahantahay baaritaan iyo howlo/qalliin kale. Waa inaad dhakhtarka u tagtaa ugu yaraan hal mar sannadkii si aad u hesho caawimaad daryeellida naftaada.

Dhakhtarkaagu Sheekadaada Wuu Ogyahay

Dhakhtarkaagu xiriir ayaad la samaysan doontaa, oo uma baahnaysid inaad dib ugu sheegto sheekadaada mar kasta oo aad aragto qof cusub.

U Gudbinta

Haddii aad u baahato gargaar caafimaad oo gaar ah ama aad qabto baahi kale oo shakhsi ah oo dhakhtarkaagu uusan ku caawin karin, waxay kaa caawin karaan inaad ballan ay kaaga sameeyaan qof kale oo ku caawin kara.

La Awooddo

Booqashada gurigaaga caafimaad waa mid aad uga raqiisan marka loo barbardhiggo qolka gurmadka degdegga ah, rugta daryeelka degdegga ama rugta daqiiqad [a minute clinic].

Source: MidSouth Practice Transformation Network. Reducing Preventable Emergency Room (ER) Utilization Toolkit. Retrieved December 28, 2017 from https://midsouthptn.com/wp-content/uploads/2017/01/midsouth-ptn-ed-toolkit_v1.pdf

Source: MidSouth Practice Transformation Network. Reducing Preventable Emergency Room (ER) Utilization Toolkit. Retrieved December 28, 2017 from https://midsouthptn.com/wp-content/uploads/2017/01/midsouth-ptn-ed-toolkit_v1.pdf

  • Siyaasadda Takoor La’aanta / Helitaanka
  • Siyaasadda Asturnaanta
  • La xiriir

Website Design and Developed by Atiba.com

© 2025

X
- Enter Your Location -
- or -
Get your current location
Scroll to top