Kusaabsan My Healthcare Home

Maxaa lagu falaa My Healthcare Home?

Ujeedada websaytka My Healthcare Home waa inuu kaa caawiyo inaad ku xidhanto adeegyo daryeel caafimaad oo la heli karo, rakhiis ah, tayo ahaana sarreeya waliba si joogto ah Nashville iyo badhtamaha Tennessee oo dhan.   Tani waa meesha aad kula kulmayso dhakhtarkaaga qoyska ee ku siin doona daryeel la heli karo, rakhiis ah, oo tayo ahaana sarreeya.

My Healthcare Home wuxuu u taagan yahay inaad noqoto mid ku xidhan meel aad daryeel caafimaad oo joogto ah ka hesho, hooy caafimaad oo adeeg-bixiyayaasha daryeelku – dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka, farsamoyaqaanada – ay bixiyaan adeegyada loo baahan yahay kana caawiyaan bukaanada wanaajinta caafimaadkooda. Rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxay bixiyaan daryeel aan kala-go’ lahayn – daryeelid beddelaysa Qolalka Xaaladda Gurmadka ama adeegga dadka aan ballanta sii qabsan.

My Healthcare Home waxay ka kooban tahay in ka badan konton rugood oo khayri ah oo bulshada u shaqeeya dhammaan Nashville meelaha u dhawdhaw, waxaana jooga shaqaale wanaagsan oo heegan u ah buuxinta baahiyahaaga caafimaad.

 

Sidee ayaan ku heli karaa rugaha caafimaadka My Healthcare Home?

Iyadoo ku leh konton in ka badan oo rugood Nashville iyo meelaha u dhawdhaw, rugaha caafimaadka My Healthcare Home kaama foga – halka bukaanadayadu ka shaqeeyaan ama ku nool yihiinba waanu joognaa. Sidoo kale, rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxay bixiyaan adeegyada bukaanadu u baahan yihiin – ka soo bilaw daryeelka aasaasiga ah ilaa maaraynta cudurrada muddada jiitamada ilaa ilkaha ilaa adeegyada caafimaadka habdhaqanka. Rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxay sidoo kale leeyihiin saaacado fiidkii ama Sabtida oo shaqeeyaan. Websaytkan wuxuu kaa caawinayaa helitaanka rugo caafimaad oo la heli karo baahiyahaagana buuxiya. Websaytka wuxuu ku qoran yahay luuqado badan, qaar badan oo rugaha kamid ahna waxay bixiyaan adeegyo tarjumaan oo ay ugu talogaleen bukaanada ku hadla luuqadaha aan Ingiriisida ahayn.

 

Sidee ay u yihiin raqiis rugaha caafimaadka My Healthcare Home?

Rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxa ka go’an u adeegista bukaanada aan caymiska lahayn iyo/ama dakhligoodu kooban yahay. Khidmadaha ruguhu qaadaan waxay kusalaysan yihiin xajmiga iyo dakhliga qoyska. Rugo badan waxay aqbalaan caymiska caafimaadka – TennCare, shakhsi ahaaneed, ama loo-shaqeeyaha kusalaysan, laakiin caymisku shardi ma aha. Taageerada bulshadu waxay caawisaa in qiimuhu u jabnaado bukaanada.

 

Sidee ayuu yahay daryeelka tayada sarreeya ee rugaha caafimaadka My Healthcare Home?

Hiigsiga koowaad mid kasta oo kamid ah rugaha caafimaadka My Healthcare Home waa siinta daryeel tayadiisu sarrayso bukaanada oo DHAN. Urur khayri ah ahaan, u adeegista bukaanadayada iyo bulshadu waa yoolkayaga koowaad. Iyagoo adeegsanaya Safety Net Consortium (Ururka Shabakadda Badbaadada), rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxay ka wada shaqeeyaan oo wada bartaan sidii ay si ka sii fiican ay ugu adeegi lahaayeen bukaanadayada. Wakhtigan la joogo, waxaanu ka wada shaqaynayaa mashruuc fadaraalku maalgaliyo oo wayn (the Transforming Clinical Practice Initiative (Mashruuca Geddiyista Dhaqanka Rugaha Caafimaadka)) si aanu u hagaajino daryeelka bukaankada anagoo u marayna dedaalada hagaajinta tayada.

 

Miyey tahay inaan caymis caafimaad yeesho?

Maya, caymis caafimaadku ma aha shardi inaad hesho daryeel ama inaad yeelato hooyga daryeelka caafimaadka. Khidmadaha bukaanku waxay kusalaysan yihiin xajmiga iyo dakhliga qoyska. Qaar badan rugaha caafimaadka My Healthcare Home waxay aqbalaan caymiska caafimaadka, laakiin shardi ma aha.

 

Ayaa bilaabay websaytka My Healthcare Home?

My Healthcare Home waa mashruuc Safety Net Consortium of Middle Tennessee (Ururka Shabakadda Badbaadada ee Middle Tennessee). Ilaa 2000, Safety Net Consortium (Ururka Shabakadda Badbaadadu) wuxuu ka shaqaynayey hagaajinta caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka dadka saboolka ah, dadka deggan Nashville, Degmada Davidson iyo agagaarkooda ee bilaa caymiska ah. Consortium wuxuu kulmiyey rugo caafimaad, adeeg-bixiyayaal, aqoonyahano, macaamiil iyo hoggaamiyayaal bulsho si loo mideeyo aqoonta iyo xirfadaha lagu taageerayo daryeel cid KASTA hesho. Ugu dhawaan dhammaan rugaha caafimaadka ee qoran waxay xubno ka yihiin Safety Net Consortium (Ururka Shabakadda Badbaadada).

 

Sidee My Healthcare Home loo maalgaliyaa?

Waxaanu u bilawnay My Healthcare Home in cilmi-baaristayadu muujisay in dad iyo qoysas aad u badan ayna aqoonin rugahayaga caafimaad. Websaytka waxa lagu sameeyey lacago ka yimi Xarumaha fadaraalka ee Adeegyada Medicare iyo Medicaid oo kaqayb ah deeq ku aaddanayd Xarunta Caafimaadka Jaamadda Vanderbilt oo waliba ka sii qayb ah Transforming Clinical Practices Initiative (Mashruuca Geddiyista Dhaqamada) Rugaha caafimaadka. Taageero dheeraad ah oo websaytka ku aaddan waxay ka timi Meharry-Vanderbilt Alliance.

 

Sidee rugtayda caafimaad ay qayb uga noqon karta My Healthcare Home?

Haddii aad ka tahay adeeg-bixiye rug caafimaad oo khayri ah Nashville ama Middle Tennessee oo rugtaadu ayna liiska kujirin, fadlan isticmaal foomka la-xidhiidhka ee bogga hore. Wakiil Safety Net Consortium (Ururka Shabakadda Badbaadada) ayaa kula soo xidhiidhi doona si uu kaagala hadlo qayb-ka-noqoshada My Healthcare Home.